Ciidanka Kumaandooska oo burburiyay Saldhig ay lahaayeen Maleeshiyada Al-Shabaab

Ciidanka Kumaandoos ee dowladda Soomaaliya ayaa Burburiyay Saldhig Maleeshiyada Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Kuunya-barow ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Guddoomiyaha Degmada Baraawe Aadan Cumar Madoobe ayaa Warbaahinta Qaranka  u sheegay  in ciidanka Kumaandooska ay xalay qaadeen weerar Qorshaysan kaasi oo lagu burburiyay Saldhigga Argagixisada.

�Saldhigaan wuxuu ahaa mid Al-Shabaab ay ka soo abaabuli jireen Qaraxyada iyo dhibaatooyinka ay u gaystaan shacabka, waxaana hadda kuu sheegayaa in gabi ahaanba Saldhigaas la burburiyay.� sidaas waxaa yiri Guddoomiyaha degmada Baraawe.



Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ayaa horay u burburiyay xarumo badan oo ay la haayeen Maleeshida Al-Shabaab oo hadafkooda ugu wayn uu yahay dhibaataynta shacaka Soomaaliyeed.

0 comments